Xeerarka Xafiiska Kormeerka

Ku: Dhammaan Jamciyadaha Xubnaha ka ah Dalladda Waxbarashada FPENS

Ujeeddo: Wargelin

Sida aynu xog-ogaal u wada nahay , beryahaan dambe  waxaa batay dokumenti been abuur ah oo la xiriira beddelka ardayda , kaa soo inta badan ku yimaada labada qaab ee kala ah ;

1.      Ardayda qaarkood oo  adeegsada shaabadda iyo saxiixa Xafiiska Beddelka iyo Arrimaha Ardayda ee FPENS  oo been abuur ah (waxay ku qaadaan iskaan)

2.      Qaar kalena inteysan tegin dugsigii loo beddelay ayay dhexda ku farsameeyaan dokumentigii beddelkooda oo ay ku qortaan fasalkii ay xaqa u lahaayeen mid ka sareeya.

Haddaba, si habsami loogu fuliyo hawlaha waxbarasho ee dugsiyada jamciyaadka xubnaha ka ah Dalladda  Waxbarashada FPENS , loona sii xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqaynta  Xafiiska Kormeerka iyo Arrimaha Ardayda iyo dugsiyadaas , dhammaan mas’uuliyiinta waxbarashada ee jamciyaadka waxaa lagu wargelinayaa in ay maamulayaasha  dugsiyadooda gaarsiiyaan arrimaha hoos ku qoran :

1.      In maamulayaasha  dugsiyada si adag loogu baraarujiyo arrimaha aan kor ku soo xusnay ee la xiriira beddelka ardayda ee aan nidaamka waafaqsaneyn.

2.      In mas’uuliyiinta waxbarashadu ay Xafiiska Beddelka iyo Arrimaha Ardayda ka hubsadaan dokumentiga beddelka ardayda ee soo gaara maamulayaasha dugsiyadooda bishiiba 2 jeer.

3.      In haddii maamuluhu arday beddel u diido ama beddelkiisa lacag ku xiro,isaga oo aan wax xuquuq maaliyadeed hore ugu lahayn, Xafiiska Beddelka & Arrimaha Ardayda markii uu arrintaas xaqiiqsado si toos ah ayuu u beddelayaa ardayga, maxaa yeelay maamulka dugsiga ayaa hareer maray wixii leysku ogaa oo ahaa in aan beddelka wax lacaga lagu xirin.

4.      In haddii dugsi dugsi kale ku soo eedeeyo in arday dugsigiisa dhigan jiray uu beddel la’aan  qaatay .isla markaana fadhiisiyay fasal ka sareeya fasalkiis uu dhiganaayay , baaris ka dibna ay run noqoto arrintaasi, laga fiirsan doono  ka mid ahaanshihiisa Dalladda  maadaama uu sameeyay xad gudub iyo dacaayad aan sal lahayn.

5.      In dugsigii lagu helo wixii lagu soo eedeeyay (beddel la’aan iyo bootin) lagu  wargelinayo in uu ardayga ku celiyo fasalkii uu xaqa u lahaa  ka dib markii uu beddel ka keeno dugsigii uu ka soo tegay ardaygu iyo Xafiiska Beddelka & Arrimaha Ardayda ee FPENS.

Wada shaqayn wacan

 

 Agaasimaha Xafiiska Kormeerka & Arrimaha Ardayda

Mudane,Xasan Maxamed Cabdi

 

********************************************************************************************************************************************

 

Formal Private Education Network in Somalia (FPENS)

Xafiiska Kormeerka iyo Arrimaha Ardayda

Sanad-dugsiyeedka _____,_____

Qodobbada Kormeerka

  1. Goobta Imtixaanka :_____________ Maaddada:___________
  2. Tirada ardayda shahaadiga ee sare:wiilal :___ gabdho:___ isugeyn:___
  3. Tirada ardayda shahaadiga ee dhexe:wiilal:___gabdho:___ isugeyn:___
  4.  
  5. Tirada  kooxaha Imtixaanka :                kooxood
  6. Deggenaanta goobta imtixaanka:  fiican                    liita
  7. Su’aalaha Imtixaanka habkii FPENS waa: waafaqsan yahay        mawaafaqsana
  8. Su’aalaha Imtixaanka waa: baqshadeysan yihiin            mabaqshadeysno
  9. Baqshada waxaa lagu furaa:ardayda hortooda         laguma furo

10. Ardayda uniformkooda:wey sitaan           ma sitaan

  1. Karaka wuxuu u qoran yahay:habkii la rabay             u ma qorna

12. Koox kasta waxaa ilaalinaya: laba macallin               ka yar

13. Kaarka waa horyaallaa:arday kasta                 ma horyaallo

14. Tirada koox kasta waa:20 arday            ka badan 20 arday

15. Roolnambarka miiska ardayga waa: ku qoran yahay            ma ku qorna

Qiimeynta goobta imtixaanka:

90-100 ugu fiican,80-90 aad u fiican,70-80 fiican, 60-70 macquul,50-60 liito

Magacyada kormeerayaasha                                                    Saxiixa

  1. —————————————-                     ——————
  2. —————————————-                     ——————
  3. —————————————-                     ——————-
  4. —————————————-                     ——————-
  5. —————————————-                     ——————-
  6. —————————————-                     ——————-
  7. —————————————-                     ——————-

Mahadsanidiin

********************************************************************************************************************************************

Dugsiga  Rabo In Uu Ku Soo Biiro Jamciyado Hore Waa Inuu Buuxiyaa Shuruudaha Soo Socda

  1. Bedelka ardaygii u imaanaya Nisfi sanaha  ka dib waa inuu  wataa natiijadii nisfigii hore
  2. Dugsiga ku soo biiraya Dalladda waxaa laga rabaa qodobadaan hoos ku qoran :
    1. Hoose oo tixane ah
    2. Dhexe oo tixane ah
    3. Dugsiga ku soo biiraya Dalladda waa in uusan laheyn fasallada F1 ka sareeya
    4. Waa in uusan sannadka hore qaadan bedel arday kale
    5. Waa in ayan ardayda kuu joogta wax dacwad ah dugsi kale ka keenin
    6. Dugsiga waa in aan Dallad kale dacwad ka keenin
    7. Inta aan kormeerka tagin baaris waa in Dalladdu haysataa liisaska ardayda.
    8. Dugsiga waa in uu shaqeynaayay ugu yaraan  saddex(3) sano natiijooyinka fasalada naqliga ahna waa inay ku lifaaqan yihiin arjigiisa ama codsigiisa.
    9.  Tirada ardayda dhigata dugsiga waa inaysan ka yaraanin 100 arday
    10. Dugsiga waxaa la aqbali karaa teeramka koowaad ee sanad-dugsiyeedka.
    11. Dugsiga cusub waxay dalladdu u aqbali kartaa inuu ka mid noqdo dugsiyada jimciyadda ka dib marka la hubiyo ama uu buuxiyo shuruudaha kor ku xusan.

 

Mahadsanidiin

Wada shaqeyn wacan

Ag.Xafiiska Kormeerka iyo Arrimaha Ardayada

Mudane: Xassan Maxamed Cabdi

 *******************************************************************************************************************************************

 

Ku: Dhammaan Jimciyaadka Dalladda FPENS Muqdisho

 Og: Xafiiska Fulinta FPENS Muqdisho

 

Ujeedo : Nidaamka beddelka Ardada

Si loo xoojiyo wada shaqaynta  dalladaha waxbarashada ,loona ilaaliyo nidaamka iyo jaranjarada waxbarasho , Dalladda FPENS kadib markay la kulantay dhibaato la xirirta beddelka ardada ka imaanayso dalladaha iyo dugsiyada, gaar ahaan, xilliga beddelka iyo sharcinimada dukumentiga uu wato ardayga beddelka rabo , waxey go’aan ku gaartay qodobada hoos ku qoran :

  1. Ardayga FPENS usoo beddelanayo waa inuu dhigto, dugsiyadeeda  ugu yaraan 2da fasal ee ugu dambeysa  (Forms 2 &3).
  2. Xilliga beddelka ardada dalladaha kale wuxu ku egyahay dhamaadka teeramka hore ee sanad dugsiyeedka.
  3. Warqadda beddelka ardayga waa in ay ku caddahay jaranjarada waxbarasho sida (6, 3,3)  ama (4,4,4).
  4. Sidoo kale warqadda beddelka ardayga waa in ay ku cad yihiin : telefoonka iyo shabadda dugsiga iyo magaca iyo saxiixa mas’uulka tacliinta ama  maamulaha dugsiga.

F.G. Dugsiyada hoos yimaada  jamciyaadka xubnaha ka ah Dalladda FPENS waxa lagu wargelinayaa :

  1. In aysan qaban beddel aan soo marin Xafiiska Beddelka iyo Arrimaha Ardada ee FPENS.
  2. Sidoo kale waxaa lagu wargelinayaa in la joojiyay  beddelka ardada ka imaaneysa dalladaha kale wixi ka dambeeya teeramka 1aad ee sanad dugsiyeedka.

Wada shaqayn wacan

Agaasimaha Xafiiska Kormeerka & arrimaha Ardada

Mudane: Xasan Maxamed Cabdi