Maanta oo ah Maalinnimo Jimco ah Taariikhduna ku beegan tahay  15/02/2019, ayaa waxaa Arday ka aflaxday Dugsiyada hoos yimaada Dalladda Waxbarashada FPENS Xaflad SAGOOTIN ah loogu qabtay hoolka shirarka ee JAAMACADDA ABRAAR .

Waxaa xafladda kasoo qayb galay  xubno kasocda Wasaaradda Waxbarashada, Madaxda Dalladda, Waalidiinta, Ardayda iyo marti sharaf kale.

Xafladaas ayaa Ujeedkeedu ahaa Arday  gaaraysa 191 Arday oo  Deeq Waxbarasho ka helay  JAAMACADDA KARABUK ee Dalka Turkiga taasoo ay usoo marisay Dalladda Waxbarashada ee FPENS.

Ugu dambayntii waxaa xafladaasi qudbado qiimo leh ka jeediyay isla mar ahaantaasina Ardayda bogaadiyay:

  1. Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada

                             Mudane:  Ismaaciil Yuusuf Cusmaan

  1. Gudoomiyaha Dalladda Waxbarashada ee FPENS

                           Mudane: Cabdulqaadir Xassan Axmed(Kadle)

  1. Agaasimaha guud ee Dalladda Waxbarashada FPENS

                          Mudane: Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur

 

IMG_5842

IMG_5705

IMG_5936

IMG_5801

IMG_5880

IMG_5809