Warbixino

Warbixin Kooban Waxqabadka Dalladda Waxbarashada  FPENS ee (2013)

Dalladda  Waxbarashada Ahliga ee FPENS oo ah tan ugu weyn dalladaha ka jira dalkeenna Soomaaliya , kana hawl gasha dhammaan gobolada kala duwan ee dalka, waxay hirgelisay sanadkan 2013ka waxqabad la taaban karo.

B. Iskaashiga iyo wada shaqeynta FPENS iyo qaybaheeda kale ee Waxbarasho

Sida aynu xog-ogaal u wada nahay , Dalladda FPENS waxay hormuud ka  ahayd dadaalo ku wajahan xoojinta iskaashiga dalladaha  waxbarashada iyo mideynta nidaamkooda waxbarasho.

Dadaaladaas oo socday in muddo ah , laga soo billaabo shirkii ay dalladuhu ku yeesheen Hoteelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho , taariikhdu markay ahayd  02.10.2010, waxay miro dhaleen oo guulo muuqda laga gaaray sanadkan 2013, iyadoo ay dalladaha waxbarashadu  sameysteen muqarar mideysan (unified syllabus) , Agaasinka Waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta Arrimaha Bulshaduna uu ansixiyay| ogolaaday.

Muqararkaas oo lagu wado in uu hirgalo sanad-dugsiyeedka 2013-2014, buugaagtii laga dhigi lahaa waxaa ku socda daabacaad iyo qaybin.

Sidoo kale FPENS waxay iskaashi iyo wada shaqayn la leedahay Agaasinka Waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta Arrimaha Bulshada  iyo hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo kuwa UNka eek u hawlan horumarinta waxbarashada sida Bankiga Horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank) , NRC(Norwegian Refugee Council),UNESCO,UNICEF iyo AET.

T. Bixinta Deeq Waxbarasho

Sanadkan 2013 gudihiisa ,FPENS waxay bixisay deeqo waxbarasho oo isugu jira dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

  1. Arday tiradoodu gaareyso 64 oo soo dhameysatay dugsiga sare , kana kala socday  dhammaan gobolada dalka (koonfurta iyo Bartamaha, Soomaaliland iyo Puntland) ayaa loo diray dalka Turkiga
  2. Arday tiradoodu dhan tahay 60 soo ka soo baxday dugsiga sare ayaa deeqo waxbarasho looga helay jaamacadaha dalka  gudihiisa (local universities).
  3. Sidoo kale ,10 arday oo ahaa kuwa ugu darajada badan ardayda ka soo baxday dugsiga sare , isla markaana  ku guuleystay imtixaankii oggolaashada (admission test)  ayaa Bankiga Horumarinta Islaamku  u diray dalka  Urdun.

J. Tababarka Macallimiinta

Ku dhawaad  50 siminaar oo ku saabsan horumarinta waxbarashada iyo tababarka macallimiinta wax ka dhigta dugsiyada asaasiga ah iyo kuwa sare ee FPENS , ayaa Dalladdu qabatay dabayaaqadii sanadkii hore ,2012 ilaa sanadkan ,2013, iyadoo la kaashatay Hay’adda NRC .

Arrintaasi oo soo jiidatay indhaha hay’ado badan oo ku hawlan waxbarashada Dalladda FPENS waxay ku kasbatay kalsooni iyo sumcad, waxayna keentay :

  1. In machadka tababarka macallimiinta Banaadir ee FPENS uu ka billowdo Bishii May ee sanadkan ,2013 barnaamij lagu tababarayo 300 oo  macallin oo isugu jira tababar 200 macallin oo hadda ka hawl gala dugsiyada (in-service teacher training) iyo tababar 100 macallin oo cusub (pre-service teacher training) muddo hal sano ah .

Barnaamijka waxaa iska kaashanaya Dalladda FPENS iyo Hay’adda NRC.

  1. In Dalladda FPENS iyo Hay’adda WAMY iska kaashadaan tababaridda 60 macallin muddo toddobaada .
  2. In Machadka Tababarka Macallimiinta Banaadir ee FPENS oo ay sanadkan , 2013 ka qalin jebiyeen 18 macallin oo takhasuskoodu  yahay  (physics & Math) lana filayo in sidoo kale isla sanadkan gudihiisa ay ka soo qalin jabin doonaan 2 dufco oo kale oo takhasuskoodu yahay (Social , Chemistry & Biology) kasbado sumcad ballaaran.
  3. In xafiiska tababarada FPENS uu qaybiyo qalab waxbarasho (kits) oo gaaraya 80 sanaadiiq oo waa weyn.

X. Horumarinta Website ka Dalladda

Waxaa la dardar geliyay oo dib u habayn ballaaran lagu sameeyay website ka Dalladda FPENS.

Kh. Qorista Xeeerka Machadka Tababarka Banaadir

Machadka Tababarka Macallimiinta Banaadir oo ka kooban labo qaybood oo kala ah: qaybta  Tarbiyada iyo Luqadaha (Education & Languages), waxaa dhowaan  loo sameeyay xeer .

D. Kormeerka

Xafiiska Kormeerka iyo Arrimaha Ardayda ee FPENS wuxuu kormeero joogto ah ku sameeyaa dugsiyada hoos yimaada Dalladda FPENS si loo oggaado wixii dal daloolaa ee jira loona daariyo .

Haddaba, kormeer lagu qiimeynayo macallimiinta dugsiyada FPENS ee Gobolka Banaadir iyo Afgooye oo dhowaan la sameeyay, waxaa ka soo ifbaxay  arrimaha hoos ku qoran :

  1. In ay hoos u dhacday tirada macallimiinta tayada lahaa ee takhasuska u lahaa waxbarashada wax ka dhigta dugsiyadaasi ee sanad-dugsiyeedka 2012-2013 marka loo eego sanadihii hore.
  2. In macallimiinta hadda wax ka dhigta dugsiyadaasi badankoodu aysan hore u soo marin tababaro macallinnimo aan wax xiriira la lahayn hawlaha  macallinnimada, sida IT .
  3. In ay hoos u dhacday tayadii waxbarasho ee goobahaasi , macallin yari iyo tababar macallin la’aan | yaraan  aawadood .

Waxaa kaloo xusid mudan in Xafiiska Kormeerka & Arrimaha Ardaydu uu sameeyay meelna mariyay xeerer iyo nidaamyo la xiriira arrimaha soo socda:

  1. Iswaafajinta da’da iyo heerka waxbarasho ee ardayda . iyadoo dhallinyarada dib uga dhacday xilligii geynta dugsiyada, loo sameeyay xeer u gaara.
  2. Nidaamka ardayda dhigata dugsiyada dalladaha kale ee u soo bedelanayso dugsiyada FPENS .iyadoo ay lagama maarmaan noqotay , si loo ilaaliyo taxanaha  jaranjarada waxbarasho , in ardayda u soo bedelanayo dugsiyada FPENS uusan geli Karin fasalka 1aad ee dugsiga sare wax ka sareeya.

Arrimahaas aan kor ku soo sheegnayna guulo la taaban karo oo dad badan oo isugu jira aqoon yahanno iyo waalidiin ay ku qanceen ayaa laga gaaray.

R. Imtixaanaadka & Shahaadooyinka

Iyadoo lagu jiro xilligii Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinku uu ugu mashquulsanaa ee qaadashada shahaadooyinka, hawlaha xafiisku sidii loogu talo galay ayay u socdaan.

Run ahaantii , ilaa iyo hadda wax dib u dhaca ama eeda ee la xiriira hawlaha  culus ee xilliyadan oo kale la soo gudboonaada xafiiskan  ma jiraan .Taasina waxay ku timid dadaalka aan kala go’a lahayn ee hawlwadeenada xafiiska oo hawshoodu aysan habeen iyo maalin kala lahayn.

Ugu dambeyntii, waxaa xusid mudan in Agaasimihii hore ee Xafiiska Imtixaanaadka , Mudane, Maxamed Cilmi Tooxow uu ka  wareegay shaqada Xafiiska , si ku meel gaarana uu hadda u sii wado  hawshii Xafiiska Mudane, Abuubakar Sayid Cumar.

S. maaliyadda  

Dhinaca maaliyadda ,FPENS waxay leedahay shaqaale u carbisan hawshaas iyo nidaam maaliyadeed ee casri ah oo la magac baxay (FPENS Payment System) oo dhowaan lagu soo biiriyay nidaamka  maaliyadeed ee Dalladda.

Qiimeyn ay bilihii na dhaafay ku sameeyeen qaabka maaliyadeed ee FPENS qaar ka mida  hay’adaha ay wada shaqayntu ka  dhaxeyso ,sida NRC si weyn ayay  Dalladda u  amaaneen.

Sida aynu xog-ogaal u wada nahay , Dalladda dakhligeeda waxay ka heshaa:

  1. Istiraakaad ay bixiyaan mu’asasaadka xubnaha ka ah
  2. Shahaadooyinka

Arrinta hore , caqabado ayaa ka jira oo waxaa jira jamciyaad in muddaa bixin ishtiraakaadkii laga rabay , una baahan in go’aan laga gaaro.

Arrinta labaad, oo ah meesha ugu weyn ee Dalladdu ay dhaqaalaheeda  ka hesho , waxaa laga yaabaa in uu culeys ku yimaado  maadaama Agaasinka Waxbarashadu  uu ku talo jiro in uu soo saaro shahaado mideysan oo bedesha tii dalladaha  waxbarashada .Arrintaasina waxay u baahan tahay in laga  sii gaashaanto.

Sh. Manaahijta

Xafiiska Manaahijta FPENS wuxuu door muuqda ka qaatay muqararka iyo manhajka  ay  dalladuhu u diyaariyeen in la hirgeliyo  sanad-dugsiyeedka 2013-2014.

Sidoo kale , dhowaan wuxuu billaabi doonaa fulinta mashruuca((Peace Education)) ee ay heshiis ku galeen FPENS iyo Machadka (Peace Institute)

 

Agoosto 13, 2013

Moqdisho, Soomaaliya