Siminaar 5 maalmooda oo ku saabsan qaabka uruurinta diiwaanada iyo Xogta oo uu soo qaban qaabiyay Agaasimaha Fulinta FPENS, Mudane Cabdiraxman Cumar Sheekh Nuur, ayaa ka dhacday Xarunta Munadamada Al-dacwah Al-Islaamiya ee Magaaladaan Muqdisho (07/12/2016).
Siminaarka waxaa ka soo qayb galay hawl wadeeno FPENS ee hoos ku qoran:-
-
Saciido Xasan Maxamed
-
Axmed-haadi Xasan Cumar
-
Saalax Maxamed Aadan
-
Xasan Maxamed Sheekh Cumar
Siminaarka waxaa bixinayay 2da Prof. ee hoos ku qoran:-
-
Sayid Cali Xuseen Macallin
Madaxa Xafiiska Munadamatu Dacwah Al-Islaamiya ee Magaalada Muqdisho.
-
Cabdirashiid Cabdullaahi Xaydar
Agaasimaha Xiriirka guud iyo isgaarsiinta ee Wasaaradda Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha
intii uu siminaarku socday, Macallimiinta wax ka dhigaysay waxay soo jeediyeen mowduucyo aad muhiim u ah oo la xiriira hawlaha ama shaqooyinka kasoo qayb galayaasha sida kuwa hoos ku qoran:-
-
howsha laga rabo Xog haynta.
-
xafiiskaadu waa in uu noqdaa mid ay ka muuqato aqoon iyo muuqaal wanaagsan.
-
ogaanshaha waxa Xafiiskaada dhex yaala iyo sida loogu muujiyo liisas qoran ee albaabkiisa lagu dhejiyo.
-
sida loo diiwaan geliyo waraaqaha soo galaya, iyo kuwa ka baxaya Xafiiska, isla markaana mudnaan gooniya loo siiyo hawlaha Xafiiska.
-
in aan ogaano kulamadu in ay yihiin maalinle, toddobaadle, sannadle, iwm, iyo kulan kasta in laga diyaariyo qoraal-shireed.
-
in la sameeyo shicaaro lagu muujinayo waxyaabaha muhiimka ah ee Dalladda.
-
si loo helo macluumaad dhamaystiran, waa in mar walba la qaadaa sawiro.
-
toddobaad walba waa in Xafiisyada Dalladdu ay isdhaafsadaan wixii macluumaada ee jira.
Leave A Comment