Machadka Tababarka Macalimiinta Banaadir (BTTI)
B. Horudhac
Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay sannadkii 1991kii aawadood, waxbarashadu waxay ka mid ahayd dhinacyada ay arrintaasi aadka u saameysay . Tusaale ahaan, waxaa burburay macaahiddii tababarka macallimiinta iyo Kuliyaddii Waxbarashada ee Lafoole . Intaa waxaa dheer macallinmiintii aqoonta fiican lahaa oo qaar badan oo ka mid ahi ay dalka dibaddiisa aadeen qaar kalena ay hawlo ka baxsan waxbarashada ay raadsadeen si ay u helaan dhaqaale ka badan kan waxbarashada.
Haddaba , si loo buuxiyo firaaqaas (gap) , intii suuragala , ayay Dalladda Waxbarashada Ahliga Soomaaliyeed (FPENS) waxay asaastay Machadka Tababarka Macallimiinta Benaadir ee Magaaladan Muqdisho sannadkii 2002dii iyadoo la kaashatay Hay’adda NOVIB OXFARM.
T. Rugta Machadka
Dhismaha Machadka Tababarka Macallimiinta Benaadir oo ka kooban 2dabaq wuxuu ku yaallaa Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Machadka oo la dhisay sannadkii 2002dii waxaa maalgelinayay Hay’adda AMA (Africa Muslims Agency) . Dhismaha Machadku wuxuu ka koobnaa 8 fasal , 3 xafiis iyo laab kumbuyuutar, wuxuuna leeyahay awood dhan 480 arday iyo 14 macallin.
J.Qeybta Machadka
Waqtigan xaadirka ah , Machadku wuxuu ka kooban yahay 4ta qeybood ee kala ah:-
-
Cilmiga Bulshada (Social Studies) ama Taariikh iyo Juqraafi
-
Fiisikis iyo Xisaab
-
Bayoloji iyo Kemistari
-
Tababarka macallimiinta , inta ay hawsha ku guda jiraan iyo inta aysan billaabin (in-service and pre-service teacher training)
X. Shuruudaha Soo Gelitaanka Machadka
Qof kasta oo ku soo biiraya Machadka , waxaa laga rabaa in uu buuxiyo shuruudaha hoos ku qoran :
-
In uu Soomaali yahay
-
In uu haystaa shahaado dugsi sare
-
In da’diisu ay ka yar tahay 35 sano
-
In uu caafimaad qabaa , jir ahaan iyo maskax ahaanba
-
In uu akhlaaq fiican leeyahay
Kh. Aragtida Machadka (Vision)
Aragtida Machadka Tababarka Macallimiinta Benaadir waa in la helo mustaqbalka dusiyada asaasiga ah iyo kuwa sare oo aysan ka jirin macallimiin yaraan.
D. Hawlgalka Machadka (Mission)
Hawlgalka waxbarasho ee Machadka waa in tiro badan oo macallimiina uu u tababaro dugsiyada asaasiga ah iyo kuwa sare labadaba.
R.Ujeeddooyinka Machadka (Objectives)
Ujeedada guud ee machadku waa soo saaridda macallimiin tababaran ee wax ka dhiga dugsiyada asaasiga ah iyo kuwa sare ee dalka , gaar ahaan kuwa Dalladda Waxbarashada FPENS iyo sidoo kale kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadda kuwa hadda wax ka dhiga.
Ujeeddooyinka gaar ahaaneed ee Machadka waa :-
-
Dib u soo nooleynta,dowrkii machidyadii tababarka macallimiinta Kuliyaddii Waxbarashada ee xilligii xukuumaddii dhexe ee dalkaa
-
Tababaridda macallimiinta dugsiyada asaasiga ah iyo kuwa sare ee ay maamusho Dalladda FPENS.
-
Abuurista fursado shaqo oo loo abuurayo tiro badan oo ka mida ardayda ka soo baxday dugsiyada sare , iyadoo la siinayo tababaro iyo xirfado.
Horumarinta aqoonta iyo awoodda macallimiinta ka hawl galo dugsiyada asaasiga iyo kuwa sare ee hoos yimaada Dalladda FPENS ,iyadoo la siinayo tababaro macallinnimo ee inta hawsha ku guda jiraan(in-service teacher training) inta lagu gudo jiro xilliga fasaxa ee dugsiyada(Juun – Juulaay).
S. Qorshaha Machadka ee Sannadka 2017
Machadka Tababarka Macallimiinta Benaadir wuxuu qorshaynayaa sannadka 2017 :
-
Ballaarinta hawlaha waxbarasho ee Machadka , iyadoo lagu soo biirinayo qayb cusub oo ah ingiriis iyo Arabi (English & Arabic section)
-
Asaasidda macmal saynis ee Machadku leeyahay
-
Qaadashada arday cusub
-
U diyaarinta ardayda ka qalin jebisay Machadka ku biiritaanka Jaamacadaha , iyadoo la siinayo koorsooyin xoojin ah oo arrintaa u fududeynaya.
-
La socoshada arrimaha ardayda ka qalin jebisay Machadka (halka ay ku sugan yihiin , hawshooda iwm)
-
Horumarinta xiriirka Machadku uu la leeyahay dhinacyada kale ee ku hawlan horumarinta waxbarashada , sida kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah
-
Ku dadaalidda sidii Machadka u noqon lahaa Jaamacad.
Gabagabadii , koorsooyinka joogtada ah ee Machadku bixiyo (Kemistari – Baayoloji , Fiisikis -Xisaab iyo Cilmiga Bulshada) ka sokow , Machadku , waqtigan xaadirka ah , wuxuu bixiyaa koorso 2 sano ah ee tababar macallimiin (in-service & pre-service) isagoo la kaashanaya Hay’adda NRC(Norwegian Refugee Council) si kor loogu qaado tayada waxbarashada ka socota dugsiyada Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ku yaalla.
Sh. Dufcooyinka Ka Qalin Jebiyay Machadka
Sida ku cad jadwalka hoos ku qoran , markii la asaasay ilaa hadda , Machadka waxaa ka qalin jebiyay 12 dufcadood .
L. |
Koox |
Qaybta |
Tirada Qalin Jebisay |
Xilliga |
1. |
Kooxdii 1aad |
Cilmiga Bulshada |
64 |
2002-2004 |
2. |
Kooxdii 2aad |
Bayoloji-Kemistari |
57 |
2004-2006 |
3. |
Kooxdii 3aad |
Fiisikis & Xisaab |
17 |
2007-2009 |
4. |
Kooxdii 4aad |
Cilmiga Bulshada |
21 |
2007-2009 |
5. |
Kooxdii 5aad |
Bayoloji & Kemistari |
24 |
2008-2010 |
6. |
Kooxdii 6aad |
Cilmiga Bulshada |
22 |
2010-2012 |
7. |
Kooxdii 7aad |
Bayoloji & Kemistari |
24 |
2010-2012 |
8. |
Kooxdii 8aad |
Fiisikis & Xisaab |
22 |
2011-2013 |
9. |
Kooxdii 9aad |
Bayoloji & Kemistari |
38 |
2013-2015 |
10. |
Kooxdii 10aad |
In-service & pre-service |
300 |
2013-2015 |
11. |
Kooxdii 11aad |
Cilmiga Bulshada |
25 |
2013-2015 |
12. |
Kooxdii 12aad |
Bayoloji & Kemistari |
28 |
2014-2016 |
Isugeyn |
642 |
Machadku wuxuu bixiyaa waxbarasho dugsiga sare ka dib ah oo 2 sanno ama 4 semester ah oo la baranayo maadooyinka hoos ku qoran :
-
Cilmiga Bulshada
-
Fiisikis & Xisaab
-
Baayoloji & Kemistari
Machadka waxaa wax ka dhiga macallimiin aqoon sare u leh oo qaarkood ay wax ka dhigi jireen Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee xilligii Xukuumaddii Dhexe (The Somali National University)
Waqtigan xaadirka ah tirada ardayda Machadka waxay gaareysaa 115 oo isugu jira :
-
Cilmiga Bulshada 36 arday
-
Fiisikis & Xisaab 34 arday
-
Baayoloji & Kemistari 45 arday