Maamulka Machadka Tababarka Macallimiinta Banaadir (BTTI), wuxuu ku wargalinayaa dhammaan ardayda dugsiyada sare dhigata iyo kuwa  ka qalin jabisay in Machadka uu bilaabi doono Program gaar ah oo lagu magacaabo (YÖS), kaasi oo loogu talagalay in lagu fududeeyo  ardeyda Imtixaanada qabuulka jaamacadaha ku yaala dalka Turkiga, Program-kani waxaaa lagu barandoonaa Maadooyinka kala ah:

  • Geometry

  • Mathematics

  • Logic

         wuxuua socon doonaa mudo 8 bilood ah, xilliyada waxbarashaduna waxay noqondoontaa Maalmaha shanta ah (Sabti – Arabaco) gelinka dambe iyo Part time (Khamiis iyo Jimce), waxaana wax ka dhigaya Macallimiin aqoon duruqsan iyo waaya aragnimo badan u leh Programkaasi.

Shuruudaha looga baahanayahay ardayga:

  • Warqad Codsi ah

  • Shahaado Dugsi sare ama cadeyn inuu dhigto dugsi sare gaar ahaan (Form Four).

  • 2 Sawir Teesara ah

  • Waa inuu bixiyaa Lacagta diiwaangalinta oo ah ($5) iyo lacagta bisha oo ah ($20) kuna soo shubaa Account Namber (30030315)

Haddaba isqoristu waxay ka socotaa Xafiiska Machadka oo ku dhex yaala Xaruunta FPENS, wixii faah-faahin dheeri ah kala xiriir xafiiska Machadka ama wac Tell. (0612006488/ 618444327).

Ogow tirada la qaadanayo waa mid xadidan yeysan kaa buuxamine horey u gaar

Saacadaha shaqaduna waa 8:00AM ilaa 2:00Pm.