Xubinmada Dalladda FPENS
B- Heerarka Xubinimada:
Xubinnimada dalladdu waa labo qeybood:
1- Xubinnimo buuxda: waa xaq ay wada leeyihiin hay’adaha buuxiya shuruudaha ka mid noqoshada dalladda.
2- Xubinnimo sharafeed: waa xubinnimo uu ku mutaystay qof iskaashi wangaasan la leh dalladda.
T- Shuruudaha Xubinnimada Buuxda:
1- inay tahay Jamciyad ama Mu’asaso leh dugsi ama dugsiyo nidaami ah oo ku yaala dalka.
2- Iney Jamciyadu leedahay waayo aragnimo waxbarasho aan ka yareyn 3sano
3- Iney diyaar u tahay fulinta nidaamka iyo xeerarka dallada
4- In dugsiyadeeda buuxiyaan shuruudaha hoos ku qoran
-
Saacadaheeda waxbarasho waa ineysan kayareen 4saacadood
-
Inay leedahay sanad-dugsiyeed aan ka yeryn 10bilood
-
In lagu baranayo dhamaan maaddooyinka rasmiga ah ee waxbarashada nidaamiga ah.
-
Taxanaheeda waxbarasho (Jaranjarada waxbarasho) inuu yahay (6-3-3)
-
Tirade fasalladeeduna uu yahay 6fasal, ardaduna aysan ka yareyn 150.
Xubinnimo Waayid
Hay’addu waxay waayeysaa xubinimadeeda:
1- Haddii ay dhinac marto nidaamka dalladda
2- Haddii ay bixin weydo qaaraanka dalladda sida ku cad xeer hoosaadka dalladda.
3- Haddii iyada ay ka noqoto xubinnimada dalladda.
4- Haddii ay ka soo qeyb gali wayso kalfadhiyada dalladda muddada ku qeexan xeerka hoosaadka dalladda.